Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo iyo bogaadin u diray Maamulka Jubbaland oo soo gabagabeeyey doorashooyinka Aqalka Hoose ee Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh.jpg2Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Maamulka Jubbaland oo la soo  gabagabeeyey  doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose Baarlamaanka ee ka dhacay Magaalada Kismaayo.

“In si buuxda loo soo gabagabeeyo Doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka dhacay Magaalada Kismaayo, waa Guul weyn oo Yididdiillo Gelinaysa geedi-socodka Doorashada Dadban ee Dalka ka socoda.

Waxaan Ammaan iyo boggaadin u soo jeedinayaa, odayaasha-dhaqanka, Madaxda Jubbaland, Shacabka iyo Guddiyada Hir-gelinta Doorashada Dad-ban ee Heer Federaal iyo Heer Maamul-goboleed oo ummadda Soomaaliyeed soo gaarsiiyay Guusha ah in si Hufnaan ah u Qabsoomaan Doorashoyinkaas,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaweynaha Somalia ayaa ugu baaqay Guddiyada Doorashada Dadban iyo Maamul-goboleedyada kale, inay Laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan in waqtigii loo qorsheeyey lagu soo gabagbeeyo doorashooyinka golaha shacabka ee harsan iyadoo la ilaalinayo nidaamka sharci ee u degsan doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Somalia ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka Dimuqraadiyada iyo dowladnimada ah, isagoo uga mahad-celiyey shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka kaalintooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: