Advertisements

Madaxweynaha dalka Turkiga oo fariin digniin ah u diray Midowga Yurub.

Erdogan 1Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa fariin digniin ah u dirray midowga Yurub, isaga oo sheegay in boqolaal kun oo muhaajiriin ah ku fasixi doono Yurub haddii midowga uusan joojin hanjabaadaha ka dhanka ah dalkiisa.

Hadalka ayuu ka sheegay Erdogan shir ku saabsan cadaalladaa haweenka oo lagu qabtay magaalada Istanbul, waxaana uu ka fal celiyay qaraar uu ansixiyey baarlamanka midowga Yurub oo aan dhaqan gal ahayn, kaasi oo dalbanaya in ururkaas uu hakiyo wada-xaajoodyada ka mid noqoshada ururka ee uu la leeyahay Turkiga.

“Markii 50,000 oo muhaajiriin ah ay gaareen magaalada xuduudda ee Kapikule waad oydeen; Maxaad sameyn laheedeen haddii Turkey ay albaabka xuduudda furi lahayd, Haddii tani ay sii socoto waan fureynaa albaabada – waa inaad taas ogaataan; Aniga iyo dalkeygaba kalama jeclin hanjabaad eber ah” ayuu yiri Erdogan.

Horaantii sanadkan ayeey aheyd markii midowga Yurub uu hishiiska la xiriira muhaajiriinta la gallay Turkiga, taa baddelkeedana la siiyo dhaqaale iyo in wada-hadallada ka mid noqoshada Midowga Yurub la dedejiyo.

Ugu danbeyntii, cod bixinta baarlamanka Midowga Yurub ayaa waxaa looga jawaabayey xariga ay dowladda Turkiga ku hayso dadka lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii July.

SomaliSwiss      Isha warka VOA

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: