Advertisements

Ururka Isbahaysiga “Nato“ oo soo gaba-gabeysay hawlgalkii burcad badeedda ee xeebaha Somalia.

nato2Ururka Isbahaysiga NATO, ayaa soo gaba-gabeysay hawlgalkii ay ugu magac-dartay Ocean Shield ee xeebaha Somalia, kaddib markii hoos u dhac weyn ku yimid weerarada burcad badeedda.

Ciidamada Cirka Dalka Denmark, ayaa sameeyey Hawlgalkii ugu dambeeyey ee NATO ee lagu kormeerayey Badweynta Hindiya ee Marta Soomaaliya.

Hawl-galka NATO, ayaa Qayb ka ahaa Jawaab isku xiran oo Beesha Caalamka ay bixisay Halista Burcad-badeedda Soomaaliya, kaasoo ay ka qayb-galeen Ururka Midowga Yurub, Mareykanka iyo dalal kale oo Madax-bannaan.

Burcad-badeednimada Xeebaha dalka Somalia, ayaa markii ugu xumeyd yeeshay saameyn dhaqaale oo dhan 7 bilyan oo dollar, ayada oo in ka badan 1000 qof lagu afduubtay.

Sidoo kale, Ma dhicin wax weerar Burcad-badeed oo guuleystay tan iyo sanaddii 2012-kii, Taasoo ah Hoos-u-dhac Weyn marka la eego 2010-kii illaa 2011-kii oo la Af-duubtay 30-Markab.

Taliyaha ciidamada Cirka Denmark oo fuliyay hawlgalkii ugu dambeeyey ee NATO ay ka sameyso Xeebaha Soomaaliya ayaa ku Adkeystay in NATO ay dib u billaabi karto Hawl-gakeeda ka dhanka ah burcad badeednimada waqti kasta haddii ay tahay xeebaha Somalia ama badda Atlantic.

Ugu dambeyntii, NATO ayaa iminka dareenka u weecin doonta sidii ay Russia uga celin lahayd Badda Madow iyo Wax ka Qabashada Dadka Muhaajiriinta ah ee ku safra badda Mediterranean-ka.

SomaliSwiss     Brüssel (Belgien)

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: