Advertisements

Shirkii Wadamada Carabta iyo Afrika oo Wufuud badan ka baxday kulanka!!!

afrika-iyo-arab-jpg1Wafdigii Soomaaliya uga qayb galayey Shirkii ku saabsanaa dhaqaalaha dalalka Afrika iyo Carabta  ayaa la sheegayaa inay ku darsameen wafuud kale oo ka mid ah dalal badan oo jaamacada Carabta ka socday ugana qeyb galayay shir ay lahaayeen Carabta iyo Afrikaanka oo ka dhacayay dalka Equatorial Guinea, diidma ka muujiyey in madax bannaani la siiyo Galbeedka Saxara .

afrika-iyo-arabSaraakiil ka socday Morocco, Soomaaliya iyo dalal kale oo Carab ah ayaa isaga baxay shir madaxeed ay lahaayeen madaxda Carabta iyo Afrikaanka ayagoo kasoo horjeeday inay shirkaa soo xaadireen xubnaha dhaqdhaqaaq ku baaqa in madax bannaani la siiyo Galbeedka Saxara ama Western Sahara.

Morocco ayaa dawladeedu u aragtaa Western Sahara in ay tahay qeyb ka tirsan dalkeeda [gobolkeeda koofureed].

Dhaqdhaqaaqa shirka looga dareeray ayaa lagu magacaabaa Polisario Front (PF). Dalalka ay wafuudoodu ka dareereen shirka ayaa ah Soomaaliya, Morocco, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Qatar, Cumaan, Urdun iyo Yemen; Shirkan ayaa ku saabsanaa dhaqaalaha dalalka Afrika iyo Carabta.

SomaliSwiss   Malabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: