Advertisements

Baaritaanka iska horimaadkii ka dhacay magaalada Jowhar oo lagu wareegiyey xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya.

xeer-ilaaliyaha-guud-qarankaWararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in iska horimaadkii ka dhacay magaaladaas baaritaankeeda loo wareegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir, siddaas waxaa warbaahinta u sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee heer federaalka.

Iska horimaadkaas oo ka dhashay muran la xiriira natiijada doorasho waqtigaa ka soctay magaalada Jowhar ayaa waxaa ku lug lahaa wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaradaha DF Max’ed Xassan Nuux, oo sidda la sheegay ka gadooday doorashada aqalka hoose ee beeshiisa, kaddib markii wareegii koowaad codad dheeraad ah uu hellay musharixii kale ee la tartamayay.

”Waxaa arintan u xilsaaran xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo kaashanaya laamaha ammniga, iyaga ayaan ka sugeynaa wixii natiijo ah ee ka soo baxa baaritaankooda, go’aanka laga qaadanayo markaa kaddib ayaan shaacin doonaa” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Avv Cumar Dhagey.

Iska horimaadka ayaa sababay in hakad la galiyo doorashooyinkii aqalka hoose ee ka socday magaalada Jowhar ilaa Arbacada nagu soo foolka leh oo la fillayo in la soo dhameystiro baaritaanka ku saabsan waxaa keenay gacan ka hadalka ka dhashay doorashada.

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa laga soo dooranayaa xubno ka mid noqonaya  aqalka hoose oo gaaraya 37 xildhibaan,

SomaliSwiss      Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: