Advertisements

Wafdi uu hoggaaminayo Danjire Micheal Keating oo gaaray maanta magaalada Jowhar.

keating-iyo-cosobleDanjiraha QM ee Soomaaliya Micheal Keating iyo wafdi uu hoggaaminayo oo barqanimadii maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa kula la yeeshay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble  iyo xubno ka tirsan guddiga doorashada heer dowlad gobolleed.

kulankan ayaa la sheegay in si Gaar ah u  dhaxmaray Micheal Keating iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa looga hadlay siddii loo dardargalin lahaa doorashada aqalka hoose, iyadoo lagu dhaqamayo sharuucdii doorasho ee horay loogu go’aamiyay kulamadii madasha-wadda-tashiga.

  Micheal Keating wuxuu kula dardaraamay mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle , in si gaar ah isha loogu hayo dhameystirka qoondada haweenka ee 30% inta ay doorashada socto. Waxaa socdaalkiisa Jowhar ku wehlinayay Micheal Keating  wakiilka Midowga Africa iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya.

Wafdiga ayaa dhinaca kale kulan la qaatay guddiga doorashada heer gobol, iyaga oo kala hadlay shaqaaqadii dhowaan dhacday degmada, waxaa ay isla garteen muhimada ay leedahay in la adkeeyo nabad-galyada.

Isla maanta  waxaa gaaray magaalada Jowhar wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal Avv, Cumar Dhagey oo ay wehliyeen Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida.

Ugu danbeyntii, doorashadii Aqalka Hoose ayaa lagu wadaa in dib loo bilaabo maalinta Arbacada, kaddib markii Guddiga doorashooyinka ay hakiyeen.

SomaliSwiss     Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: