Advertisements

Ra’iisal wasaare Sharm’arke oo ugu baaqay dadkii ka barakacay magaalada Gaalkacyo inay dib ugu soo guryo noqdaan.

gaalkacayo-jpg1

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiiid Cali Sharm’arke ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay dagaalladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo in ay dib u soo guryo noqdaan, kaddib markii maalintii shalay la kala qaaday ciidammadii isku hor fadhiyay agagga dagaalka.

gaalkacayo-jpg2“Waxaa ku wargalineynaa dadkii ka barakacay dagaalladii halkan [Gaalkacyo] ka barakacay in ay dib u soo laabtaan, dhamaanteen nabad ayaan ka wadda shaqeyneynaa, wixii dhameystir u baahan waa la dhameystirayaa, waxaa rajeynayaa in tani ay noqoto mid aan mar dambe soo noqon,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Sharm’arke.

Ra’iisal wasaaraha iyo guddiyo ka kala tirsan labada dhinac ayaa todobaadyadii ugu danbeeyayba ku howlanaa siddii loo kala qaadi lahaa ciidamadii ku diriray magaalada, taasoo marar badan hore leysku khilaafay, hasse ahaatee ugu danbeyntii maalintii shalay ahayd ayaa lagu guuleystay in la kala qaado.

Labada Madaxweyne Puntland iyo Galmudug ayaa dhinacooda ballan-qaaday in mar kale Gaalkacyo dagaal ka dhici doonin, lagana wadda shaqeyn doono nabada.

Magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo ganacsi ayaa dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay waxaa ay sababeen in ay ka barkacaan boqolaal kun shacab ah, oo intooda badan wajahaya daruufo dhinaca nolasha ah.

Dhanka kale, RW Sharma’arke oo tagay jiidaha hore ee ay isku hor fadhiyaan Ciidammada ayaa u sheegay saraakiisha Ciidamada labada maamul in la joojiyo dagaalka, isla markaana dib ay ugu laabtaan goobihii ay markii hore ku sugnaayeen.

“Waxaan u taagan nahay sidii bulshada magaalada Gaalkacyo ku nool ay nabad-galyo ugu wada noolaan lahaayeen, waad la socotaan waxaa la gaaray Heshiis nabadeed oo xal loogu raadinayo colaadda, waxaa waajib nagu ah dhammaanteen in aan ka shaqayno, Ciidamada is-hor-fadhiyana xeryahoodii dib loogu celiyo,” ayuu yiri RW Sharma’arke oo ka hadlayay halka ay isku-hor-fadhiyeen labada ciidan.

Ugu dambeyn, Hogaamiyeyaasha maamullada Galmudug iyo Puntland, ayaa sheegay in ay dhab ka tahay dhammeynta Colaadda Gaalkacyo, isla markaana ay Dhaqan-gelin doonaan illaalinna doonaan heshiiska la gaaray.

SomaliSwiss   Gaalkacayo

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: