Advertisements

Maxkamadda magaalada Minneapolis oo Xalay lagu soo gabagabeeyay dacwadii ka dhanka ahayd wiilal Soomaali ah……!

Maxkamad

Maxkamadda magaalada Minneapolis ayaa waxaa Xalay lagu soo gabagabeeyay dacwadii ka dhanka ahayd wiilasha Soomaaliyeed ee loo heystay inay xiriir la yeesheen Daacish.

xukun-maxkamad-jpg2Mid ka mid ah wiilashan ayaa ahaa qabiilka Soomaali ABÒ ana OROMO, inta kalena ay ahaayeen  Soomaali. Dacwada oo maxkamad magaalada Minnesota kutaala ay qaaday ayaa waxaa lagu xukumay 9 dhallinyaro ah.

xukun-maxkamad-jpg3Dacwadaha oo dhageysigoodu soo socday 3dii maalmood ee lasoo dhaafay, Wiilishan ayaa beeniyay dambiga lagu eedeeyay, balse caddeymo iyo markhaatiyo ka dib ayay maxkamadda xukunkaasi ku ridday.

waxaana dhallinyaradaas lagu kala xukumay min hal sano ilaa 35 sano oo xarig ah.

1-  Guuleed Cali Cumar-35, sano oo xarig ah

2-  Maxamed Cabdixamiid Faarax, 30 sano oo xarig ah

3-   C/Raxmaan Yaasiin Daauud, 30 sano oo xarig ah

4-  Cadnaan Faarax, 10 sano oo xarig ah

5-   Xamza Cumar (wiilka Oromada ah), 15 Sano

6-   Cabdirisaaq Warsame, 2 Sano iyo Bar oo xarig ah

7-  C/Laahi Yuusuf, 1 Sano oo xabsi guri ah iyo 20 Sano oo dhaqdhaqaaqiisa lala soconaayo.

xukun-maxkamad-jpg5Si kasta ha ahaatee Guuleed ayaa noqonaya qofkii ugu xukunka dheeraa sagaal wiil oo Soomaali ah oo maalmahan xukunno kala duwan lagu riday. Sida lagu soo warramay in Guuleed Hooyadiisa ay taagnida ka dhacaday markii ay maqashay xukunka Wiilkeeda, waxaana loola cararay cisbitaalka.

xukun-maxkamad-jpg4SomaliSwiss        Minneapolis

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: