Advertisements

Xukuumadda Kenya oo maanta shaacisay inay dib u dhigtay Qorshihii ay ku xiraysay Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab.

Qaxooti.jpg4Xukuumadda Kenya, ayaa maanta sheegtay nay dib u dhigtay Qorshihii ay ku xiraysay Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab oo kumannaan Qoxooti Soomaaliyeed ah ay ku nool yihiin.

Sida lagu soo warramay caalamku ayaa cadaadis xoog leh saaraaray dowladda Kenya sidii ay u joojin lahayd  qorshaha xiritaanka xeryahan inta Qoxootiga ku nool looga helo deegaanno nabad ah oo ay ku laabtaan.

Dowladda Kenya, ayaa horay u sheegtay inay xeryahan khatar ku yihiin amaankeeda guud, isla markaana ay xirayso bishan November 2016-ka kaddib markii ay sheegtay in xeryahan ay noqdeen kuwo ay Al-shabaab gabaad ka dhigato, marka ay Weerarrada kusoo Qaadayso Dalkeeda.

Hay’adaha caalamiga ah ee u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa horay Kenya ugu eedeeyay inay doonayso inay si khasab ah Somalia ugu celiso qoxootiga ku nool xeryahaas, inkastoo Nairobi ay eedeymahaas ku gacan-sayrtay.

“Dowladda Kenya, Waxay Aqbashay Codsi uga yimid Beesha Caalamka, oo ah in Dib loo dhigo Muddada lagu Xirayo Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab. Waxaana ku kordhinay muddo lix bilood ah,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Ole Nkaissery.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa intaas ku daray. “Si kastaba ha ahaatee, Weli wuu sii soconayaa Qoxootiga Xeryahaas ku jira ee si iskood ah dib ugu noqonaya Dalkooda, arrintanna kuma yeelanayso wax saameyn ah.

” Todobaadkii hore ayay ahayd markii saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha Kenya ay u sheegeen Wakaaladda Wararka Reuters, inay bishan November tahay muddada kama dambeysta ah ee xeryahaan ay xiri doonaan.

Iyadoo loo maleynayo in go’aanka Kenya uu sabab u ahaa eedeyn ay dhawaan u soo jeedisay hay’adda Amnesty International. Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in xeryaha Dhadhaab, ay hadda ku nool yihiin 250,000 oo ruux oo Qoxooti ah, Halka Saraakiisha QM ay Tirada ka dhigayaan 350,000 oo Qoxooti ah.

“Dowladda Kenya, waa in ay joojiso Hanjabaada la xiriirta inay xirayo Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya,” ayuu yiri Gerry Simpson oo ah baare-sare oo ka tirsan hay’ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo Xarunteedu tahay, Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Sarkaalku, wuxuu Hadalkiisa ku daray. “Hay’adda QM u Qaabilsan Qoxootiga ee UNHCR iyo Wadamada deeq-bixiyeyaasha ayaa Xukuumadda Kenya ku cadaadisay inay Qoxootiga Soomaaliyeed soo dhaweyso illaa inta ay dalkooda kaga laabanayaan.

” Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa kuso beegamaya iyadoo ay Dowladda uu Caalamku taageero ee Somalia ay dagaal kula jirto Xoogagga Al-shabaab, isla markaana ay dib u dhiska Dalka ku Mashquulsan tahay, kaddib labaatameeyo Sanno oo Colaado ah.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: