Advertisements

Dowladda Kenya oo meel fagaare ku gubtay hub noocyadiisa kala duwan.

hub-la-gubay-jpg2Dowladda Kenya ayaa maanta meel fagaare ah oo ku taal duleedka magaalada Nairobi ku gubtay hub badan oo tiro ahaan lagu sheegay 5,250, isuguna jiray qoryo iyo bastoolado kuwaas oo intooda badan kaga yimid dhanka dalka ay jaarka yihiin ee Soomaaliya.

hub-la-gubay-jpg1Munaasabaddan hub gubista ah ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto, waxaana uu soo dhaweeyay tallaabadan isagoona sheegay in hubka maanta la gubayo la aruurinayay sagaalkii sano ee u dambeeyay.

Hubkan ayuu sheegay in intiisa badan uu kaga yimid dhanka Soomaaliya, uuna dalka kusoo galay gaab tuugonimo ah.

Dalka Kenya ayaa waxaa aad u adag in hub la yeesho, dadka codsada in ay hub yeeshaan ayaa waxaa la mariyaan baaritaan badan iyo tixraac asal ahaatooda.

Waa markii labaad mudo labo sano gudeheeda oo hub ceynkan oo kale u gubto dowladda Kenya.hub-la-gubay

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: