Advertisements

Magaalada Zürich ee dalkan Switzerland oo Xalay Axadda ahayd Marti u ahaa Taariikhyahan iyo qoraa sare oo caan ah.

20161112_183237Waxaa dalkan Switzerland Socdaal gaaban ku yimid  Taariikhyahan iyo qoraa sare oo caan ka ah Waddanka Soomaaliya Mudane Axmed Cali Faarax ( Idaajaa).

Mudane Axmed Cali Faarax ( Idaajaa), waxaa magaalada Zürich ee Kanton Zürich ku marti geliyey ama ku casumay Mudane  Cabdalla Saciid iyo Abuukar oo ka mid ah Shaqsiyaad daacad oo ku sifoobay Wadaniyiin oo Soomaalida ku nool Kanton Zürich u horseeda Wanaagga iyo Kheyrka.

idaajaa-kulan-jpg1

Si kastaba ha ahaatee waxaa Xalay magaalada Zürich ka dhacay kulan ay jalliyaadaha Soomalidu  ka soo qayb galeen ooTaariikhyahan Axmed Cali Idaajaa kaga hadlayey Taariikhdii fogeed ee Hiddaha iyo dhaqan dhaqaale ay Soomaalidu ay lahayd beri-samaadkii.

Mudane Axmed Idaajaa wuxuu si gaar ugu hadlay waxyaabii uu ka soo uruuruyey, kana soo qoray Abwaanadii Taariikhsa Soomalida Baal Dahab ah ka galay sida Sayid Maxamed Cabdallaha Xasan iyo kuwo kale oo u badan oo halkan lagu soo koobi karin.

20161112_191942-kopieSoomaalidii badneyd ee xalay ka soo qayb gashay waxay si aad ah uga faa’ideysteen Suugaantii uu Qoraa Sare Axmed Cali Faarax ( Idaajaa)  ka soo uruuriyey Alle ha u naxriistee Abwaanadii hore ee Soomaalidu uga tagay Suugaan kala duwan, Suugaantaas oo maanta guud ahaan Soomaalidu hadal-qabsi ka dhigteen.

idaajaaMudane Axmed Cali Faarax ( Idaajaa) wuxuu xalay qaadaa-dhigay murti badan uu ka qoray, kana soo uruuriyey Taariikhyahanadii ee Soomaalida uga tagay Murti suugaaneed iyo Maanso sarbeed ah.

20161112_194640Ugu danbeyntii Kulankii xalay ka dhacay magaalada Zürich wuxuu ku dhammaaday farxad iyo Reenreyn.

SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: