Advertisements

Hillary Clinton oo guuldaradii ka soo gaartay dorashada ku eedeysay, Agaasimaha FBI-da James Comey.

hillary-clintonHillary Clinton oo ahayh   Musharixii xisbiga Dumuquraadiga ee looga adkaaday doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Mareykanka ayaa ku eedeysay guuldaradii ka soo gaartay dorashada,  Agaasimaha FBI-da James Comey, oo shaaciyay maalmo uun ka hor waqtiga doorashada in baaritaan lagu sameynayo Email-dii ay isticmaashay watigii ay aheyd  xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka.

Iyadoo khadka talleefoonka kula hadleysay taageerayaasheyda iyo dadka maalgeliyay xisbigeeda ayeey sheegtay in baaritaanka uu shaaciyay Agaasimaha FBI-da inuu dhaawac weyn u geystay ololahooda doorashada.

Inta badan dadka reer Mareykanka  ayaa aaminsan in baaritaanka cusub ee uu shaaciyay Agaasimaha FBI-da inay keentay in malaayiin ruux oo taageerayaal ah inay ka weecdaan inay u codeeyaan Hillary Clinton.

Hase ahaatee James Comey ayaa labo maalmood ka hor xilliga doorashada Mareykanka waxaa uu mar kale shaaciyay in lagu waayay wax dambi ah Hillary Clinton.

Hillary Clinton oo aad loogu saadaalinayay inay ku guuleysaneyso doorashada Madaxweynaha, isla markaana Aqalka Cad kala wareegeyso Barack Obama ayaa mar kaliya is bedeshay saadaashaas, kaddib markii ninka ka soo horjeeday Donald Trump uu si layaab leh uga guuleystay.

Ugu danbeyntii, dibadaxyo ka dhan ah Donald Trump ayaa ka socda magaalooyin ku yaala Mareykanka, waxaana banaan baxyada ay socdaan habeenkii saddexaad.

SomaliSwiss      New York

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: