Advertisements

Waa runtiis Ra’iisul Wasaare, Cumar C/rashiid in nidaamka Federaaliismaha ee Somalia ay qaadatay uu sababi doona colaado joogta ah…….

heshiiska-gaakacayo-jpg1Ra’iisul Wasaare, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta ka sheegay magaalada Gaalkacyo, haddii habka Federaaliisim-ka ee Somalia ay qaadatay uu sababayo colaado, inay tahay inay dib u eegaan. Sharma’a’rke oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen madaxda Maamullada Galmudug iyo Puntland.

 kaddib Wadahadal Gaalkacyo ku dhex-maray maanta Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa ku boorriyay labada Hoggaamiye inay u hoggaansamaan xabbad-joojintii ay horay ugu heshiiyaan, ayna xushmeeyaan heshiiska ay kala saxiixden.

“Runtii waxaa yaab ah in Federaaliisimka oo aan is-lahayn Dalka wuu ku dagayaa, Balse haddii uu Federaalku xabbad iyo dhib keenayo inaynu dib u fiirino weeye,” ayuu yiri RW Soomaaliya, inkastoo uusan faahfaahin dheeri ah ka bixin sida laga yeelayo Federaalka.

Sidoo kale, RW Somalia ayaa Madaxweynayasha Galmudug iyo Puntland ku adkeeyay inaysan xabbad ka dhicin Gaalkacyo inta laga gaarayo shirka ay labada hoggaamiye ku yeelanayaan 20-ka bishan Kismaayo oo ah xarunta maamulka Jubbaland.

“Waxaa halis ah in innagoo mas’uuliyad u hayn dalkan iyo dadkan ay maalin walba hoos-teenna ku dhintaan Dad, runtiina waa arrin khatar ah oo Adduun iyo Aakhiraba nala-gula xisaabtamayo,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

Ra’iisul Wasaarha Somalia oo sii hadlayay, ayaa intaas ku daray in laba arrin looga baahan yahay, Hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo ah; In aysan Xabbadi ka dhicin Gaalkacyo inta laga gaarayo shirka 20-ka bishan ka dhici doona Kismaayo iyo in la fuliyo heshiiskii xabad-joojinta ahaa ee bilowgii bishan lagu gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale, C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed, ayaa waxay Shirka jaraa’id ka sheegeen inay diyaar u yihiin inay qaataan nabad, isla markaana Gaalkacyo lagu wada deggenaado nabad iyo dagaal la’aan.

 Ugu dambeyn, Heshiiska Magaalada Gaalkacyo lagu kala saxiixday Maanta ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Magaaladaas ay Toddobaadyo dhawr ahi ka socdeen Dagaallo geystay khasaare isugu jirta naf iyo maal, sidoo kalena ay ku barakaceen 90,000 qof oo ku noolaa Gaalkacyo.

Halkan ka Ahkriso Heshiiskii lagu Joojinayey dagaalkii Gaalkacayo:

SomaliSwiss      Gaalkacayo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: