Advertisements

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in Duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen Gaalkacyo ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan Maamul-goboleedka Galmudug.

pentagonWarbixin aanay weli baahin Dowladda Mareykanka oo ay soo xiganayeen Warbahinta Mareykanka Qaarkood, ayaa lagu sheegay in Duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ay bishii September ka fuliyeen duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug aysan ahayn mid lagu beegsaday Xoogag Al-shabaab ka tirsan, iyagoo xusay inay ahaayeen ciidammo ka tirsan Maamul-goboleedka Galmudug.

Warbixinta ayaa lagu xusay in weerarkaas ay ku dhinteen 10 Askari oo mid ahaa ciidammo Maamulka Galmudug iyo kuwa Dowladd Federaalka Somalia, iyadoo Mareykanku Xustay in duqeyntii bishii September ay geysteen iyagoo difaacayay ciidammo ka tirsan maamulka Puntland oo sheegay inay weerar la kulmeen xilli ay wadeen Hawlgalo Al-shabaab ka dhan ah.

Duqeyntaan, ayaa dhalisay Mudaaharaadyo ka Dhan ah Dowladda Mareykanka oo Dadka deegaanka ay sameeyeen. Dhanka kalena Ciidamada Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in dadka geeriyooday ay ahaayeen shacab iyo ciidanka Galmudug.

Mareykanka wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageeraa dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, Taasoo muddo Sannado ah isku dayaysay inay xukunka ka tuurto Dowladda Soomaaliya .

Dhanka kale, Galmudug ayaa horay u sheegay in 22-ka mid ah Ciidamadooda Duqeyntaas lagu dilay, iyagoo ku eedeeyay in Maamulka Puntland oo uusan xiriir fiican ka dhexeyn ay Macluumaad qaldan siiyeen Maraykanka.

Maamulka Puntland ayaa dhankiisa ku eedeeyay Galmadug iyo Dowladda Soomaliya inay iska kaashanayaan Dagaallada ka socda Gaalkacyo, kuwaas oo markii ka billowday muran dhanka deegaanka ah.

“Haddii aan ogaan lahayn in ciidankaas ay Galmudug yihiin, waxaan sameyn lahayn wax kasta oo aan uga baaqsan kari lahayn duqeyntaas,” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gashandhiga Maraykanka oo u warramay The Washington Post.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa beenisay in Weerarkaas duqeynta ah lagu uu ku dilay dad shacab ah, iyadoo muranka duqeyntan uu tan iyo markii uu dhacay soo taagnaa.

SomaliSwiss      Wshinton

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: