Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Burundi.

somalia-iyo-brundiMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xirriika Caalamiga ah ee Burundi, Alain Aime NYAMITWE oo Saakay soo gaaray Muqdisho.

somalia-iyo-brundi-jpg1Mudane Xasan Sheekh iyo Nyamitwe, ayaa ka Wada-hadlay xirriirka ka dhaxeeya Labada Waddan iyo Hawl-galka Ciidanka AMISOM ee Somalia, gaar ahaan Ciidamada ka socda Dowladda Burundi ee Soomaaliya jooga.

Sidoo kale, Aime NYAMITWE ayaa u Sheegay Madaxweynaha in Dowladda Burundi ay ka go’an tahay sii xoojinta taageerada ay ku bixiso Soomaaliya gaar ahaan hawl-galada ka Dhanka ah Aargagaxisada ee ay Ciidamada AMISOM, gaar ahana kuwa Burundi ku garab taagan yihiin Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxeynaha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Burundi sida ay u garab-taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay Dhiigooda ugu hurayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Burundi uu Muqdisho ku yimid Maanta, ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Burundi uu dhawaan sheegay inay ciidamadooda kala baxayaan Somalia haddii aan Mushaaraadkooda la siin.

SomaliSwiss      New York

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: