Waxaa magaalada Zürich ee dalka Switzerland habeenkii Khamiista ahayd lagu qabtay  Kulan ay ka qayb galeen Mas’uuliyiin Sar-sare ee ka tirsan Maamulka Kanton Zürich iyo Ururrada, Jaaliyadaha dadka soo gelootiga ah ee ku dhaqan magaalada Zürich iyo guud ahaan Kanton Zürich.
Kulankaas waxaa Soomaalida uga qayb galay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich Marwo Xaawo Nuur Muudey iyo qaar ka mid ah Guddiga Fulinta, sidoo kale waxaa ka qayb galay qaar kale oo u dhaqdhaqa Soomaalida ku Nool magaalada Zürich.
Dhacdada Kulankan ayaa waxaa looga hadlayey xiriirka Jaaliyadaha Ajaanibka ah ee ku nool Kanton Zürich, waxaa halkaas lagu soo bandhigay wax qabadka Jaaliyadaha Ajaanibka ah ee loo dhiibay Projektooyin la xiriira Isdhex-galka, kaasoo ay qabanayeen Urur ama Jaaliyado Ajaanib ah + Ururro Swiss ah.
Hase yeeshee uga horreentii Kulanka  waxaa ka hadashay Madaxa maamulka qaybta isdhex-galka ee kanton Zürich ( Integration-ka ) Frau Simone Furrer, waxayna guud ahaan ammaantay 13ka Jaaliyadood iyo Ururro isugu jira oo hoowshii lo diray si wanaagsan u qabteen, gaar ahaan waxay si aad ah u ammaantay howshii ay qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich iyo Urur Swiss ah oo la yiraahdo Förderverein Hegnerhof oo madax ka ah   Herr Devid Gaus.
Intaas ka dib waxaa kulankaas ka hadlay Nina Gilgen oo ah Mas’uulka cusub qaybta Integration-ka ee Kanton-ka oo isagana hadal gaaban oo soo dhaweyn ka jeediyey.
Si kasta ha ahaatee waxaa kulankaas lagu Abaal-mariyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich iyo Ururrada kale, kuwaas oo muujiyey wax-qabadkooda.
Ugu danbeyntii sida ay sheegeen madaxda Kanton-ka Abaal-marintaas waxay ahayd dhiirri-gelinta hawlaha ballaaran ay qabteen Ururrada iyo jaaliyadaha Ajaanibka ah ee ku nool Kanton Zürich ee wadanka Switzerland Sannadkan 2016ka.
SomaliSwiss    Zürich
Qore: Dr. Axmed Dhicisow Daauud
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |