Advertisements

Ogeysiis iyo Wargelin ku socota Soomaalida deggan magaalada Bern iyo Biel: Casuumaad Kulan Warbixineed muhim ah.

phs3

Walaalayaal waxaan idunku Wargelineynaa in Magaalada Bern iyo Biel lagu qaban doono Kulan Warbixineed oo Mowduucyadiisa ku saabsan yahay:

Tarbiyada Caruurta, Waxbarashadooda iyo Qorsheynta Qoyska.

Fadlan ka soo qeybgala Kulanka warbixineedka ee aan kor  ku soo Xusney 

Wargeli asxaabtaada iyo Deriskaaga sidoo kale soo kaxeey Dadka aad Taqaan si ay uga faa‘ideystaan.

Dhacdada ka dib waxaa jiri doona sbarasho iyo Casriyo ama Macmacaan yar.

Taariikhda Kulanka Bern waa: 19. Nofember 2016

Saacada:  16:00Uhr

Goobta lagu qabanaaya waa: Quartierzentrum Tscharnergut, Waldmannstrasse, 3027 Bern.

Soo raac Tram 8, ugana deg: Haltestelle Tscharnergut 

Sidaas si la mid ah waxaa Soomaalida ku nool magaalada Biel lagu wargelinayaa, islamarkaasna lagu Casuumeynaa in loo qaban doono isla kulankaas mid la mid ah oo loogu hadlayo: Tarbiyada Caruurta, Waxbarashadooda iyo Qorsheynta Qoyska.

Taariikhda Kulanka Biel waa: 12. Nofember 2016

Saacada:  16:00 Uhr

Goobta lagu qabanaaya waa: Multimondo, Neumarktstrasse 64, 2503 Biel

 Kulamadan waxaa soo Qaban-qaabiyey Hey`adaha : Help-Somali Org. iyo, Public Haelth Services

SomaliSwiss   Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: