Advertisements

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Hambalyo u Dirtay Madaxweynaha Cusub ee Waddanka Mareykanka.

W. Arrimaha Dibadda.jpg9Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Hambalyo u Dirtay Madaxweynaha la doortay ee Waddanka Mareykanka Donald Trump oo noqonaya madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Somalia ay la shaqeynayso Trump oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Mareykanka.

Sidoo kale, Hadliye ayaa intaas ku daray in Mareykanka uu Somalia gacan-ka-siinayay la dagaallanka Argagixisada, ayna rajaynayaan wali arrimahaasi inay iska kaashan doonaan.

C/salaam Hadliye ayaa xusay in in go’aanka Donald Trump lagu soo doortay uu ahaa mid ka yimid shacabka Mareykanka, sidaa awgeedna ay dhankooda soo dhaweynayaan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagana hamblayo u diray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, isagoo sheegay in ka dowlad ahaan ay soo dhaweynayaan doorashada madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Doland Trump. Ugu dambeyntii, Wasiir Hadliye ayaa walaac ka muujiyay Hadallo dhawaan kasoo yeeray Trump oo ahaa in Qoxootiga Soomaalida ah ee ku Nool Gobolka Minnesota ay Geystaan dhibaatooyin dhanka xag-jirnimaad ah, Wuxuuna intaas ku daray inaysan habboonayn in mas’uul uu hadal noocaas ah kasoo yeero.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: