Advertisements

Guddiga Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea oo soo saaray warbixin looga hadlaya arimo badan oo khuseeya Somalia.

united-nations-html1Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan kormeerka cunaqabateynta ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin u saaray dhamaadkii bishii hore looga hadlay arimo badan oo khuseeya Somalia oo ay ku jiraan dib-udhacyada doorashooyinka, argagaxisada ,musuq-maasuqa  amni darradda ,hubka iyo waliba dhuxusha.

Warbixintan oo ka koobanayd 247 bog ayaa lagu sheegay in kooxda Al-shabaab ay wali tahay khatarta ugu weyn ee hortaagaan nabadda Somalia ,iyada oo la xusay weerarro halis ah oo ay ku dileen ciidamo ka tirsan dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika.

Weerarada sida gaarka ah loo xusay waxaa kamid ah mid dhacay 15 bishii koowaad ee sanadkan ,kaasi oo kooxda Al-shabaab ay la eegatay ciidamo Kenyan ah oo fariisin ku lahaa deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Galgaduud ,kaasi oo ay ku geeriyoodeen askar dhan 120 oo ka tirsana ciidamada Midowga Afrika.

Sidoo kale waxaa warbixintan lagu xusay lix weerar oo lagu qaaday Hotelo ku yaala magaalada Muqdisho ,kuwaasi oo lagu dilay saraakiil sar-sare oo ka tirsan dowladda Somalia ayna ku jiraan mudanyaal ka tirsanaa barlamaanka hadda waqtigiisu dhamaanayo.

Sidoo kale weerarada la xusay waxaa kamid ahaa mid ay kooxda Al-shabaab ku soo qaad-day deegaanada Puntland iyo Gal-Mudug ,isla markaana lagu dilay ilaa iyo 300 oo dagaal-yahan oo ka tirsanaa ururkaas.

Waxyaabaha kale ee looga hadlay waxaa kamid ah mushaar la’aanta ciidamada Somalia ,taasi oo sababtay in kooxda Al-shabaab ay dib ula wareegto deegaano badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Guddiga ayaa tilmaamay in ay jiraan caqabado hor-istaagay in la hirgaliyo  cunaqabataynta hubka ee saaran Somaliya ,iyadoo dekado ku yaala Puntland iyo Somaliland si joogta ah looga soo dajiyo hubka ,kaasi oo u sii gudba gobolada kale ee Somalia.

Waxa guddiga uu sheegay in ka ganacsiga dhuxusha uu is dhimay ,ka dib markii Al-shabaab ay bilawday farsamooyin ay ku xadidayso gubista dhuxusha ,waxaana si lamid ah ay dowladda Imaaraadka Carabta hoos u dhigtay soo dhoofsiga dhuxusha ,taasi oo yaraysay ka ganacsiga dhuxusha marka loo eego sanadihi hore. Warbixintan ayaa lagu sheegay in shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud oo leh %45 saamiyad-da suuqyada Somalia ayaa la sheegay in ay lacago canshuuro ah siiso kooxda Al-shabaab ,iyada oo si joogta ah lacagtan ugu marisa adeega mobilka ee loo yaqaan EVC-PLUS -ka.

Ugu danbayn ,warbixintan oo ahayd mid aad dheer ayaa lagu xusay askaraynta caruurta oo kooxda Al-shabaab ay si gaar ah u adeegsato xiliga dagaalada ,iyada oo tusaale loo soo qaatay caruur badan oo Puntland iyo Gal-Mudug u xiran ,kuwasi oo lagu qabtay dagaal ay Al-shabaab soo qaad-day deegaanadaas bartamihii sanadkan.

SomaliSwiss      New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: