Advertisements

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo beeniyay in Dowladda Federaalka Somalia ay dabada ka riixayso Dagaalka Gaalkacyo.

Shirkii Madasha Qaranka.jpg2Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa beeniyay in Dowladda Federaalka Somalia ay dabada ka riixayso Dagaalka Gaalkacyo, kaddib markii Puntland ay ku eedeysay in Dowladda Federaalka ay Qayb ka tahay Dagaalka, Gacanna ay siinayso Maamulka Galmudug.

Mudane Xasan Sheekh oo u wrramayay TV-ga Universal ayaa sheegay inaanay door ku laheyn Dowladda Federaalka Dagaalka Gaalkacyo haatan ka socda, isagoo tilmaamay inay horay uga codsadeen labada maamul in dagaalka ay joojiyaan.

“Dowladda Federaalka dagaalka Gaalkacyo ka socda qayb kama ahan, wax door ah oo ay ku leedahayna ma jirto, cid ay taageeraysana ma jirto, marar badan ayaana ka codsanay in Dagaalka la joojiyo, waxaa ka shaqeynay heshiiskii ay Beesha Caalamka markhaatiga ka ahayd,” ayuu yiri Madaxweynuhu ku yiri wareysiga.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay dagaalka dib uga Qarxay Magaalada Gaalkacyo ay sabab u tahay dib u dhac ku yimid dhaqan-gelinta heshiiskii dhawaan lagu gaaray Magaalada Abu Dhabi.

“Colaadda Gaalkacyo kasoo cusboonaatay waxaa sabab u ah dhaqan-gelin la’aana heshiiskii horay loo gaaray, dib u dhiciisa ayaa keentay in colaada dib u soo laabato,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia, ayaa sheegay in Colaadda Gaalkacyo ay soo jirtay muddo fog, isla markaana mana aha dagaal maanta iyo shalay billowday, Isagoo xusay in heshiisyadii ay muddo hore wada gaareen Madaxweynihii hore ee Somalia, C/llaahu Yuusuf iyo Jen. Ceydiid ee lagu dhameynayay Colaada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in Dagaal Siyaasadeysan lagu soo Qaaday, isla markaana ujeedku tahay in lagu boobo dhulkooda, iyadoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qeyb ka tahay Dagaalladaan.

Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweynaha Somalia ee Colaadda ka jirta Gaalkacyo kusoo beegmay iyadoo uu dib uga qarxay dagaal degmada Gaalkacyo, kaasoo u dhexeeya Puntland iyo Galmudug, isla markaana uu burburay heshiis ay maalmo ka hor Abu Dhabi ku gaareen labada madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: