Advertisements

Magaalada Garoowe oo maanta ka socoto doorashada xildhibaannada aqalka Hoose ee dowlad gobolleedka Puntland.

codeynWaxaa maanta magaalada Garoowe ka soconaya doorashada xildhibaannada aqalka Hoose ku matalaya dowlad gobolleedka Puntland.

 Waxaa durbaba la shaaciyay magacyada xildhibannadii ugu horeyay ee guuleystay Cali Yuusuf Cali Xoosh oo noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee ku guuleystay kursiga aqalka hoose, isaga oo hellay 49 cod halka musharixii la tartamayay oo lagu magacaabo C/rashiid Xassan Yuusuf uu hellay 1 cod oo kaliya, madaama ergada codeysay ahaayeen 50 xubnood, waxaana goobta ka maqnaa hal ergay.

Xildhibaannada kale ee guuleystay, ayaa kala ah Saciid Daahir, Cumar Ismaaciil Waabari iyo walba Cilmi Cumar Ceynsane, kuwaa oo rasmi ahaan loo aqoosaday in ay yihiin xildhibaanadii ugu horeeyay ee soo baxa doorashada socta.

Dhanka kale Magaalada Garoowe ayaa ammnigeeda si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan jidadka lagu arkayaan ciidammo siweyn u sugaya nabad-galyada, madaama laga foojigan yahay wax kasta oo qal qal galin kara habsami u socodka doorashada.

SomaliSwiss      Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: