Advertisements

Faadumo Xasan Maxamed oo noqotay Haweyneydii ugu horeysay oo u dalacda darajada Gaashaanle Sare ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

dallacaadTaliska Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa wuxuu waayihii dambe u muuqday mid horumar ka sameynaya isku hagaajinta ciidamada iyo horumarinta xirfadooda ayaa waxaa sii kordhaya tirada haweenka ku biiraya ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.

Dallacaad.jpg1.jpg

Munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka Jen Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud uu ugu xiray dalacaad ay sameeyeen gabdhaha ku jira ciidamada Boliiska qaarkood, waxaana gabadhaha la dalacsiiyay ka mid ah haweyneydii ugu horeysay abid ee u dalacday darajada Gaashaanle Sare ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed taasi oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Faadumo Xasan Maxamed (Neero).

Faadumo Xasan Maxamed ( Neero )  oo ah madaxa hogaanka is dhaxgalka bulshada iyo Boliiska, waxaana ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ku soo biirtay 1971, iyadoo wixii waqtigaa ka dambeeyay ku dhex dhexjirtay howlaha Ciidanka, waxaana ay ku soo shaqeysay xirfadeeda Boliisnimo meela kale duwan oo dhulka Soomaaliya ka mid ah.

dallacaad-jpg2Haweyneydii ugu horeysay ee noqotay Gaashaanle Sare Boliis ah Faadumo Xasan Maxamed ( Neero )  oo mar kula hadleysay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa cabirtay dareenkeeda ku aadan in ay noqotay taariikhda haweyneydii ugu horeysay Gaashaanle Sare xili daqiiqado kaddib uu u xiray darajadaasi Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayay sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in diiwaanka ay u gasho horumarkani ay ka sameysay ciidanka Boliiska Soomaaliya, waxaana ay ka hadashay xiliga ay ku soo biirtay Ciidamada.

” Taliyaha  ciidanka Boliiska  ayaan ugu horeyntii u mahadcelinayaa isago mudnaanta siiyay gabdhaha Soomaaliyeed, aniga 1971-kii ayaan soo qortay ciidanka boliiska,  Taliyaha boliiska waa shaqsi  xaqa yaqaano, gabdhaha tiro yar ayaan eheyn mudo gabdhaha boliiska kujiray, haatan way kordheen, ku dhowaad waxaan iminka nahay 1000 (kun gabdhood oo boliiska ah ”  ayay tiri Gaashanle sarre Faadumo Xasan Maxamad.

Taliyaha waxa uu sidoo kale u xiray darajada ay u dalaceen, madaxa waaxda ka hortagatacadiyadda haweenka iyo caruurta Dhamme  Idil Cabdullaahi Xasan iyo ku xigeenkeeda  Dhamme Raxma Salaad Maxamad, iyagoo muujiyay gabdhahaasi sida ay ugu faraxsanyihiin dalacaada ay sameeyeen, waxaana ay kaga mahadceliyeen sida Taliska Ciidanka Boliiska Soomaalieed uu u qiray gabdha ahaan doorkooda laguna abaal mariyay dadaalka ay muujiyeen.

Dallacaad.jpg3.jpg“Waxaanu eheyn marka loo eego Boliiska in gabdhaha la arki jiray kaliya xiliyada 20-ka Decembar oo ah aas aaska ciidanka boliiska, mana jirin in goobo kale nagula arko , hase yeeshee maanta waxaanu nahay kuwo la qeybsanayo Ragga Boliiska  howlaha ay hayaan, taasina waxaa mahadeeda leh Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Maxamad Shiikh Xasan Xaamud”ayay tiri Dhamme Raxma Salaad Maxamad .

Taliyaha Ciidanka Boliiska  S/G Maxamad Shiikh Xasan Xaamud  oo ugu dambeyn ka hadlay goobta dalacsiinta loogu xirayay saraakiishani gabdhaha ah ayaa sheegay gabdhahani dadaal ay muujiyeen in darajada ay ku gaareen Faadumo Neerana taariikhda ay noqoto sarkaalkii ugu horeeyay ee haweeneey ah oo gaartay darajada Gaashaanle Sare hambalyo ayaan leenahay dadaalkaada halkiisa ka sii wad iyo waaxda isdhex galka bulshada iyo Boliiska Soomaaliyeed.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

Advertisements
%d bloggers like this: