Advertisements

Bankiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa ansixiyay qarash loogu tala galay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

african-develop-bank-jpg1Bankiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa ansixiyay qarash loogu tala galay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya, taas oo la sheegay in qaab shaqo lagu hirgalinaayo qasnadda kaabeyaasha Soomaaliya.

Dagaalka sokeeye ee qaatay in ka badan rubuc qarniga ayaa saamayn ba’an ku yeeshay kaabeyashii dhaqaalaha ee Soomaaliya sida jidadka iyo korontada.

Sidoo kale ayaa dagaalku keenay faqri ba’an kadib markii kaabeyaashii ay burbureen, waxaa mudadii dagaalka hoos u dhacay wax soo saarka dalka.

Waxaa dumay waaxyihii maaliyada iyo awoodii hayadaha iyo dadka qeybo badan oo dalka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Qasnada Kaabeyaasha Soomaaliya oo 3dii bishaan la ansixiyay ayaa qeyb ka ah dadaal guud oo Soomaaliya lagu barataarayo si horumar ay u hiigsato mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Qasnadaa ayaa waxaa loogu tala galay khaasatan dib u dhiska kaabeyaasha gaar ahaan tamarta, biyaha, nadaafada iyo dhisida awooda hayadaha dawliga ah.

SomaliSwiss           Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

Advertisements
%d bloggers like this: