Advertisements

Midowga Yurub oo Soomaaliya ka caawinayso waayo-aragnimada manhajka waxbarasho dagaalka sokeeye.

European.jpg1Waxaa magaalada Nairobi dalka Kenya lagu qabtay siminaar labo maalmood ahaa oo looga hadlaayay manhajka waxbarashada Soomaaliya ee dagaalka sokeeye kadib.

Siminaarka ayaa waxaa maal galiyay ururka midowga Yurub.  Waxaa ka soo qeyb galay hayadaha waxbarasho ee Soomaaliya.

Sidoo kale ayaa waxaa siminaarkaa kasoo qeyb galay khubaro qaabilsan waxbarashada iyo masuuliyiin kale oo kasoo kala jeeda daafaha caalamka.

Waxaa siminaarkaasi intii uu socday ay kasoo qeyb galeyaashu dib u eegid ku sameeyeen dadaalada ilaa iminka loogu jiro hirgalinta manhaj guud oo mideysan oo Soomaaliya ay yeelato.

Waxay sidoo kale wadaageen xogta ku saabsan qaabka shaqo ee manhaj cusub iyo siyaabaha ugu wacan ee loo heli karo manhajka cusub ee dalka Soomaaliya uu yeelanayo.

Siminaarkaa ayaa intii uu socday waxaa la niqaashay siyaabihii loo dardar galin lahaa u hirgalinta manhaj cusub oo mideysan oo hal qura ah dhammaan qeybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Siminaarka ayaa waxaa hase ahaatee soo abaabulay ururka Sanduuqa Waxbarashada Afrika ee AET waxaana ka soo qeyb galay 34 qof oo kakala yimid Somaliland, Puntland iyo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, Jubaland, Galmudug iyo weliba maamul goboleedka Koofur-galbeed Soomaaliya, xubno ka socday USAID iyo Baanka Aduunka.

SomaliSwiss           Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: