Advertisements

Ururka Midowga Afrika oo ballanqaaday bixinta mushaaraadka ciidamada AMISOM.

shirka midowga afrika & QMMadax ka tirsan Ururka Midowga Afrika ayay  balan qaaday in ay bixin doonaan Mushaarka ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxa ay sheegeen in ay ciidanka AMISOM  la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin dhanka mushaarka.

Dhawaan warbixin cusub oo ku saabsaneyd ciidanka Midowga Afrika AMISOM ayaa lagu shaaciyay in aysan Mushaar qaadan ciidanka AMISOM Muddo dhowr bilood ah.

Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika  ayaa sidoo kale sheegay in ay laba jibaari doonaan dalalka Caalamka taageerada ay siiyaan ciidanka Midowga Afrika AMISOM.

Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika  ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ay ciidamada AMISOM ay ka taageeraan dhinacyo badan si ay u xaqiijiyaan amniga doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan Soomaaliya bilaha fooda nagu soo haya.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay rajeynaayaan in ciidanka AMISOM ay si weyn uga qeyb qaataan sugidda amniga goobaha ay ka dhacaayaan doorashooyinka Soomaaliya.

SomaliSwiss        Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: