Advertisements

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kale oo maanta tagay Magaalada Beledweyne.

siyaasiyiin-jpg3Siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta tagay Magaalada Beledweyne, iyaga oo ka qeyb-gallay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Baar Xasan Dhiif.

siyaasiyiin-jpg4Siyaasiyiinta iyo Musharraxiinta Maanta gaaray degmada Beledweyne, ayaa Waxaa ka mid ah: RW-hii hore ee Somalia, C/wali Sh. Axmed, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Max’uud Axmed Nuur Tarsan, C/raxmaan C/llaahi Baadiyoow, C/llaahi Goodax Barre iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed. 

siyaasiyiin-jpg2Musharaxiinta ayaa khubado kala duwan oo ay ka jeediyeen Munaasabadda soo dhaweynta ee loo qabtay, waxaa ay ku dhaliileen Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha maamul-gobolleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo sidda ay Hadalka u dhigeen aan wax sharciyad ah ku fadhin, madaama aya sheegeen Dowladda hadda jirta waqtigeeda dhamaaday.

siyaasiyiin-jpg1Ugu dambeyntii, Waxaa xafladdan hadal kooban ka jeediyay Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan, Gaar ahaan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Siyaasiyiinta iyo Musharixiintaba Kula dardaarmay, in ay Socdaalkooda ku baahiyaan Guud ahaan Soomaaliya.

siyaasiyiinSomaliSwiss      Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: