Advertisements

Guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya oo Kulamo kala duwan is-xog wareysi ah ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

g-dooprashooyinka-jpg5Guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya ayaa  Kulamo kala duwan is xog wareysi ah ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kulamadaas oo su’aalo lagu weydiinayey guddiga, waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, siyaasiyiin, waxgarad, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

g-dooprashooyinka-jpg4Danjire ku xigeenka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna qunsulka koowaad ee safaaradda mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo kulanka furay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin kulanka, isla markaana ka safaarada ahaan ay soo dhoweyneynayaan.

“Ka safaarad ahaan waa soo dhoweyneynaa kulankaan, runtii shaqo wanaagsan ayay hayaan guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban, halkaan Nairobi waa meelaha ugu badan oo ay dadka Soomaaliyeed ku nool yihiin, loona baahanahay in jaaliyaddu ogaadaan halka ay wax marinayaan guddiga” ayuu yiri mudane Maxamed Amiin.

Guddoomiyaha guddiga federaalka hirgellinta doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) ayaa ka sheekeeyay qeybaha isla wadi doona doorashooyinka dalka, isagoo hoosta ka xariiqay in shaqada ugu badan ay qaban doonaan guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban ee dalka, guddiga xalinta khilaafaadka, goob joogayaal caalami ah, kuwo maxali ah iyo bahda warbaahinta.

g-dooprashooyinka-jpg6Wuxuu intaa raaciyay in ay jiri doonto geedi socod ka billaabanaya xullista ergooyinka ilaa laga gaaro doorashada madaxda qaranka ee dalka.

“Doorashada dalka waxaa loo marayaa nidaam caalami ah, waxaa doorka ugu muhiimsan qaadan doona guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban, guddiga xalinta khilaafaadka, goob joogayaal caalami ah, kuwo maxali ah iyo bahda saxaafadda, sidoo kale musharrax ma aha qof walba oo hadda ku dhowaaqay musharaxnimadiisa ilaa ay buuxiyaan shuruudaha loo diyaariyay musharraxiinta, waana in ay soo maraan guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban” ayuu yiri guddoomiye Cumar Dhageey.

g-dooprashooyinka-jpg3Sidoo kale  jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa su’aalo la xiriira habka doorashada ee dalka weydiiyay guddiga doorashooyinka dadban iyagoo si faahfaahsan uga jawaabay.

Dhanka kale guddiga federaalka hirgellinta doorashooyinka dadban waxay magaalada Nairobi kula kulma qaar ka mid ah Musharraxiinta Xilka Madaxweyninnimada dalka Soomaaliya, waxayna u sharraxeen hannaanka doorashada u dhaceyso.

SomaliSwiss       Nairobi

 SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: