Advertisements

Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo shalay ku heshiiyey in xayiraada laga qaado diyaaradaha Kenya jaadka keena Soomaaliya.

qaadkaSida la wada ogsoon yahay muddo ku dhow 10 maalmood oo diyaaradaha ka soo qaadka Kenya keena Soomaaliya ay xayiraad saarneyd ayaa waxaa haatan dib loogu fasaxay in ay qaadka geeyaan dalka Soomaaliya mar kale.

somalia-iyo-kenya-jpg3Madaxda Kenya iyo Soomaaliya ee shalay Muqdisho uga qeyb qaatay shir madaxeedkii IGAD waxay ku heshiiyeen qodobbadan:

– In xayiraada laga qaado diyaaradaha Kenya jaadka ka qaada ee Soomaaliya jaadka geeya.

– In muddo bil ah gudaheed diyaaradaha Soomaaliya ka yimaada loogu ogolaado in si toos ay tagaan Nairobi.

Sida dad badan oo soomaali ah ay la socdaan waxaa in muddo ahba lagu baaraa diyaaradaha Soomaaliya ka yimaada garoonka degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya arrinkan oo Soomaalidu dhib ku qabto una aragto waqti lumis.

Baaritaanadaa Wajeer loo soo maro ayay ka cawdeen madaxda Soomaalida ayna codsadeen in loo ogolaado diyaaraduhu inay toos uga soo dagaan garoonka Jomo Kenyatta International Airport ama Wilson Airport ee Nairobi.

Ganacsatada iyo beeraleyda qaadka ee Kenya ayaa waxaa soo gaaray khasaare ugu yaraan gaarsiisan tobanaan malyan oo doolar intii diyaaradaha qaadku xayirnaayeen.

Haddaba waxaa maanta Garoonka diyaaradaha Muqdisho kasoo dagay diyaaradihii Jaadka, kaddib markii dowladda federaalka ah ay ku dhawaaqday inay hakisay toddobaadkii lasoo dhaafay.

qaadka-jpg1Diyaarado dhawr ah oo wada Jaad ayaa kasoo dagay garoonka, waxaana halakas ku sugan dadweyne badan oo isugu jira dadka jaadka cuna iyo kuwa ka ganacsada oo aad ugu faraxsan imaanshaha Jaadka.

Madaxweynayaasha dalalka Somalia iyo Kenya, ayaa shalay kawada hadlay in dib loo furo Ganacsiga Jaadka/Qaadka Kenya oo Dowladda Soomaaliya ay Xayiraad Saartay, inkastoo marka laga reebo Muqdisho uu jaadku ka degi jiray garoommada kale ee dalka qaarkood.

“Haa… Jaad badan ayaa soo dagay maanta, way ka duwan tahay maalmihii lasoo dhaafay oo Muqdisho ay ka jirtay Qaad la’aan xooggan,” ayay tiri haweeney ka mid ah kuwa ka ganacsada Jaadka oo la hadashay HOL.

Ugu dambeyn, Joojinta Qaadka ayaa culeys weyn ku ahayd Ganacsatada iyo Dadka Cuna, waxaana tallaabada ay dowladdu qaadday ay muujinaysaa in awood buuxda ay u leedahay inay joojiso jaadka.

Somaliswiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: