Advertisements

Shir madaxeedkii Ururka IGAD oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho waxaana ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah.

igad-jpg1Waxaa goor-dhaw Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo dagay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Jabuuti, Kenya iyo Uganda, kuwaasoo hordhac u ah wafdiga ka qayb-galaya shirka IGAD.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Waddooyinka soo gala, ayaa Ammaankooda si aad ah loo adkeeyay, waxaana Wasiirrada hor-dhaca ah kusoo dhaweeyay Garoonka Mas’uuiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka laga helayo Garoonka Aden Adde, ayaa sheegaya in Wasiirrada IGAD loo Gudbiyay madasha uu ka dhacayo Shir-madaxeedka IGAD, kaasoo markii ugu horreysay lagu qabanayo Muqdisho tan iyo markii la aasaasay ururkaan sannadkii 1986-kii.  Madaxda waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa inay markii ugu horeysay ay magaalada Muqdisho ku qabtaan shir madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Shir madaxeedkan oo saaka furmaya ayaa waxaaa ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Djibouti, Jamhuuriyadda Ethiopia, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheeegay in shir madaxeedka ajendaha looga doodii doono ay ka mid yihiin xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

“Tani waa fursad dahabi ah oo Soomaaliya soo marta. Martigelinta shir heerkiisu sareeyo, sida kulan madaxeedkan IGAD, waxay daliil u tahay in waddamada gobolka iyo beesha caalamka ay garowsadeen horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinaca dowlad dhisidda iyo nabad soo celinta. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinayaa sida ay uga go’an tahay inay gacan ka geystaan in dalkeena uu dib u soo ceshto sumcaddii iyo sharaftii uu ku lahaa beesha caalamka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn, Waxaa la filayaa inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxda Waddamada ku bahoobay IGAD, kuwaas oo Shir Saacado socon doona ku yeelanaya Muqdisho maanta oo Talaado ah

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: