Advertisements

Ammaanka caasimadadalka Soomaaliya ee Muqdisho oo maanta la adkeeyay shir madaxeedka IGAD awgiis.

mudaaharaad muqdishoAmmaanka caasimadadalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la sheegay in maanta si aad ah loo adkeeyay shir madaxeedka IGAD awgiis.

Sabtidii ayaa Madaxweyne Xassan Sheekh uu sheegay in ammaanka caasimada la adkeeyay. Wuxuu kaloo sheegay in sidoo kalena amniga nawaaxiga caasimada la adkeeyay.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galaya madax kasocota dalalka IGAD ee Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Koofur Suudaan iyo Suudaan.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa ammaanka iyo siyaasada Soomaaliya, doorashada Soomaaliya ee nagusoo fool leh iyo xiisada colaadeed ee dalka curdanka ah ee Koofur Suudaan.

Qabashada shirkaan lagu qabanaayo Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho ayaa fursad weyn u ah Soomaaliya oo aan marti galin shirar caalami ah laga soo bilaabo 1974 markaa oo shirka Midowga Afrika un mar lagu qabtay.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: