Advertisements

Munaasabadda Maalinta Ciidul Adxa oo si weyn looga Ciiday Magaalada Zürich iyo guud ahaan wadanka Switzerland.

ciidaMunaasabada Ciidul Adxa, ayaa waxaa maanta oo Isniin ah kuna beegan 12ka September 2016ka, ay si isku mid loogu wada Ciiday dhammaan wadamada Caalamka Islammka iyo wadamada kale oo Islaamka ku yar yahayba, balse waxaa xusid mudan in gobollada dalka Soomaaliya oo idil laga dareemay mid ahaansha Diineed ee dadka Soomaaliyeed, waxayna Ciidan noqtay mid si reynreyn iyo Farxad leh loogu wada Ciiday dalka dhan oo ay ugu horreyso Caasimada Muqdisho.

ciida-jpg1Wararka iska soo daba dhacaya ee la xiriira Farxadda Ciidul Adxaga, ayaa sheegay in maanta laga wada Ciiday Muslamiinta ku nool Wadamada Reer Yurub.

Sidoo kale Muslimiinta ku nool Magaalooyinka waaweyn ee dalkan Switzerland oo idil ayaa si weyn looga dabaaldegay ciidul Adxaga sida: Magaalooyinka Zürich, Berna, San Gallen, Lausanne, Jeneve iyo kuwa kaleba.

Muslamiinta ku nool Magaalada Zürich ayaa maanta oo Isniin ah u dareereen degmada Dietikon ee hoos timaada Kanton Zürich, halkaas oo intabadan lagu ballamo in si wada jir ah loogu Tugto Salaada Ciidul Adxa, sidaas awgeed, Muslamiin Kanton Zürich, iyagoo isku duuban yar iyo weyn, Rag iyo Dumar ayaa si farxad iyo reynreyn ah ugu wada ciideen goobta loogu talagay inay ku kulmaan.

ciida-jpg3Hase yeeshee dad muslimiinta ah waxay u mahad celinayey Maamulka Sare Muslamiinta Kanton Zürich, Sida ay isugu soo dubarridka Barnaamijka Ciidul Adxa.

Gabagebadii Muslamiinta ka soo qayb gashay Farxadda Ciida ayaa waxay is dhaafsanayeen Tahniyado, iyagoo midba mid kale u rajeeynayey in sandkan, sanadkiisa ay dhammaan Muslamiinta meel kasta ay joogaan, caafimaad qab ku gaaraan.

ciida-jpg2SomaliSwiss       Zürich

somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: