Advertisements

Maanta oo Buurta Carrafo ku sugan Malaayiin qof oo Xujaay ah oo ka kala yimaaday caalamka oo dhan.

carafaatMaanta oo ah maalinta ugu muhiimsan gudashada waajibaadka Xajka ayaa waxaa Buurta Carrafo Maanta taagan malaayiin qof oo Muslimiin ah, kuwaasoo ka kala yimid dacallada Adduunka.

carafaat-jpg2Saaka ayaa wxaa Buurta Carrafo u dareeray sannadkan 3-milyan oo qof oo ay ku jiraan Xujey Soomaali ah oo caalamka dacaladiisa, iyadoo maanta oo dhan ay dadkan taagnaa-nayaan cad-ceedda kulul.

Muslimiinta kale ee caalaamka ayaa iyagu badankood manta Sooman si ay uhelaan ajar iyo dambi dhaaf.

Xujeeyda sanadkan oo ka badan laba Milyan ayaa saaka aroortii u dareeray Buurta Carafo, si ay u gutaan mid ka mid ah rugniga ugu muhiimsan ee xajka,

Sidoo kale Xujeyda ayaa maanta marka ay qoraxdu dhacdo waxay aadi doonaan dhanka Musdalifa, si ay habeenkooda ugu qaataan Alle bari, ama ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka, waxaana ay isku jamcin doonaan salaadda maqrib iyo cisho..

carafaat-jpg3Maalinta berri oo ah Maalinta Ciidul Adxa ayaa ah ciidaha uu Islaamku weyneeyo, waxaana looga baahan yahay Muslimiinta inay sadaqo la baxaan, qofkii awoodana uu gowraco neef, islamarkaana uu siiyo dadka danyarta ah..

Soomaali fara badan oo ka kala tagay dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa sanadkan ka qeybgalay gudashada waajibaadka Xajka.

Xujeyda ayaa waxay maanta oo dhan ku baryi doonaan ALLE Buurta Carrafo dusheeda; iyadoo marka ay Qorraxdu dhacdana u dareeri doona Musdalifa, halkaasoo ay kasii wadan doonaan gudashada waajibaadka Xajka.

Sidoo kale, Berri oo ah Maalinta Ciidul-Adxa ayaa waxay xujeydu gowraci doonaan xoolo, iyadoo dunida inteeda kalena laga ciidi doono ciidda labaad ee ugu weyn ciidamadaha Islaamka.

carafaat-jpg4Ugu dambeyn, xajka ayaa wuxuu ka mid yahay shanta tiir ee Islaamka uu ku dhisan yahay, iyadoo Qof walba oo Muslim ah laga doonayo inta uu nool yahay inuu hal mar guto Xajka, haddii uu awoodi karo.

Si kastaba ha ahaatee, Sannadkan ayaa wuxuu Xajku kusoo beegmayaa xilli ay ka dhacday Mashaqo Masjidka Xaramka, kaddib markii uu ku dushay wiil ka mid ahaa kuwa dhismaha ka waday, halkaasoo ay ku geeriyoodeen in ka badan boqol xujey ah.

SomaliSwiss            Makkah

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: