Advertisements

Dhul-gariir cabbarkiisu lagu qiyaasay 5.7 oo shalay ku dhuftay Dalka Tanzania.

dhul-gariir-jpg1Waxaa shalay ka dhacay dalka Tanzaniya dhul-geriir qasaare geystay, dhulgariirkaas oo warar dheeri ah ka soo baxayo ayaa ka soo baxaya in ay ku geeriyoodeen in ka badan 10 Ruux, 100 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen.

dhul-gariir-jpg3Dhul-gariirkaasi ku dhuftay Dalka Tanzania ayaa lagu soo waramayaa inuu qiyaasta dhul-gariirada uu dhammaa 5.7, waxaana gariirkiisa laga dareemay qaar ka mid ah Wadamada Bariga Afrika, isagoo geystay bur-bur dhismooyin, dhimasho, dhaawac fara badan iyo waliba dhul dilaac.

Ciidanka Badbaadinta ayaa wali ku hawlan baaritaanka dad ku hoos jira daarigii burburay, hadday jiraan wax nool, iyadoo la sheegayo in inta badan dadkaasi la soo badbaadiyay.

dhul-gariir-jpg4Somaliswiss     Daarusalaam

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: