Advertisements

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Jabuuti.

somalia-iyo-jabuuti-png1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheehk Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Djibouti u u magacawday Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Danjire Aden Hassan Aden.

somalia-iyo-jabuutiMadaxweynaha iyo safiirka cusub ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka midyihin doorka Jabuuti ay ka geysatay la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab, maadaama ciidamada Jabuuti ay qeyb ka yihiin howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Safiirka cusub Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya  Danjire Aaden Xasan Aaden ayaa xusay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhexeeya, isla markaana uu ku faraxsanyahay in Madaxweynaha Jabuuti uu u soo macaabo Soomaaliya.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: