Advertisements

Wasiirka arimaha dibadda oo waraaqadii Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Jabuuti.

safiirka-cusub-jabuuti-jpg1Wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Cabdusalam Hadliye Cumar ayaa maanta kaga gudoomay xafiiskiisa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo safiirka cusub ee jamhuuriyadda Djibouti u qaabilsan jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Amb. Aden Hassan Aden.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga iyo safiirka cusub oo kulan wada yeeshay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhaxeeya.

Soomaaliya iyo Djibouti waa laba dal oo walaalo ah, kana dhaxeeya xiriir sal adag .

Soomaaliya ayaa kaalin balaaran ku laheyd gobonnimada wadanka Djibouti, iyadoo aqoonsatay qarannimada iyo madax banaanida dalkaasi isla markii lagu dhawaaqay gobonnimada dalkaasi oo ku beegneyd June 27, 1977, waxaana labada dal ay u saldhigeen xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi wadaag ah oo ku dhisan walaalnimo.

Dowladda Djibouti waxa ay kaalin firfircoon ku leedahay dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo hab wadaag ah kula shaqeeya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya (XDS).

Ciidamada Djibouti waxa ay ka howlgalaan degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya , waxaana dadka Soomaaliyeed ay ugu magac dareen “Hiil Walaal” .

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: