Advertisements

Soomaaliya iyo Suudaan oo kala Saxiixday Heshiis wada shaqayn dhanka Waxbarashada”SAWIRO”

somalia-iyo-sudan-jpg5Wasiirka waxbrashada dowlada Soomaaliya Dr Cabduqaadir Cabi Xaashi ayaa heshiis wada shaqeen ah la saxiixday dhigiisa dalka suudaan Drs Sumaya Abuu Kashwah, heshiiska ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta heerka wada shaqeen dhan walbo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan .

somalia-iyo-sudan-jpg4Wasiirka waxbarashada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in deeqaha waxbarasho ee Dowlada Suudaan siiso Soomaaliya sanadka lagu siyaadinayo deeqaha waxbarasho ee Master iyo PHD halka markii hore deeqahaasi ay ku koobnaayeen bachelor digree.

Dr Cabduqaadir Cabdi Xaashi wasiirka waxbarashada ayaa intaasi sii raaciyay in deeqahan ay ka faa`iidi doonaan kumanaan arday oo awoodin in ay sii wataan waxbarashada qeebaha kala duwan.

Dhanka kale wasiirka ayaa markii uu soo idlaaday heshiiska waxa uu kulan xog waraysi ah la yeeshay ardayda dhigata jaamacadaha suudaan kuna qaabilay hoolka wayn ee jaamacada Africa isaga oo ka dhageestay ardaydii ku sugneed hoolkaasi talo iyo tusaale, halka uu isna siiyay ardaydaasi baraarujin dhanka waxbarashada iyo in ay ku dadaalaan kana miradhaliyaan hadafka ay u soo baxeen .

SomaliSwiss       Xigasho: SONNA

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: