Advertisements

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya oo ka hadlay sababta ay Dowladda FS u hakisay ganacsigii qaadka ee Kenya.

safiirka-s-kenyaSafiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta ay dowladdu u hakisay qaadkii ka imaanjiray dalka Kenya iyadoo arrintaasi sabab uga dhigay booqashii uu guddoomiyaha Gobolka Meru ee dalka kenya Mr. Peter Munya uu ku tagay Hargeysa.

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Barasbka Gobolka Meru ee dalka Kenya, Mr. Peter Munya uu u adeegsanayo qaadka in uu ugu ololeeyo kala qeybsamida Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi Kenya ayaa sheegay booqasho bishii Luuliyo uu Mr. Munya ku tagay Hargeysa in uu  dawlada Soomaaliya ku qasabay inay Soomaaliya ka joojiyaan qaadka.

“Tani waxay ku keentay cadaadis aan loo adkeysan karin dawlada. Waxaanu soo afjarnay ganacsiga qaadka si arimahaan wax looga qabto,” sidaa ayuu yiri safiirka Soomaaliya Kenya Jamaal Maxamed Xassan.

Isniintii ayaa dawlada Soomaaliya ku dhawaaqday in wixii loo gaaro 6da bishaan ay joojisay diyaaradihii qaadka ka keeni jiray Kenya ilaa amar dambe.

Sida la wada ogsoon yahay bishi Juli ayaa Mr. Munya wuxuu  safar ku tegay  magaalada Hargeysa ee maamul goboleedka Somaliland, si uu u qalqaaliyo xeerarka ganacsiga ee ku wajahan dhoofinta qaadka iyadoo dalka Kenia ay bixineyso arrintaas beddelkeeda  *aqoonsiga Somaliland*.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: