Advertisements

Madaxweyne Xasan Sh. iyo Gudd. Baarlamanka oo la kulmay haweenka ku jira Baarlamanka Federaalka Somalia.

Xasan iyo JawaariMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay haweenka xubnaha ka aha Baarlamaanka Federaalka iyo haween ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah.

Xasan iyo Jawaari.jpg1Kulankan oo looga hadlayey qoondada 30% ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha Qaranka, ayaa Madaxweynaha waxaa uu haweenka u sheegay in shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha ee bishii August lagu go’aansadey in si buuxda loo fuliyo qoondada haweenka ee doorashada 2016-ka.

Haweenka.jpg13Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha Qaranka, iyagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka.

Haweenka.jpg14SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: