Advertisements

Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo maanta dib uga furmi doona Jowhar.

haweenka JowharShirka maamulka loogu sameynaayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa lagu wadaa maanta in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Jowlhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe..

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu maalinta Sabtiga ah ee taariijhdu ku beegantahay 3-da Sep. uu ka furmaayo magaalada Jowhar.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney gaaraan magaalada Jowhar  si ay u furaan wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta labada gobol.

R/wasaare ku xigeenka iyo sidoo kale wakiilka urur goboleedka IGAD ayaa dhawaan shaaciyay in maanta oo sabti ah uu shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe uu ka furmidoono magaalada Jowhar.

SomaliSwiss     Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: