Advertisements

Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ah Murashax xilka madaxnimo Somalia ee doorashada 2016ka oo ka hadlay xaaladda ammaan ee Somalia.

JibriilMadaxa Hay’adda CRD, ahna Murashax ka mid ah murshaxiinta isku soo tagay xilka madaxnimo ee Somalia doorashada dhacaysa sannadkan, Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee Somalia ka jirta xilligaan. Mudane Jabriil      Cabdulle oo Wareysi siinayay Radio SBS ee Australia laatiisa Afka Soomaaliga ayaa xusay inay ahayd in afar sano kaddib ammaanka dalka oo dhan ay la wareegaan ciidamada Somalia, basle ay muuqato in sababta loo sameyn waayay ay tahay mas’uuliyad darro.

“Maanta haddaad fiiriso xarumaha ay hay’adaha Dowladda Federaalka ah ee Somalia ay ku Shaqeeyaan oo ay ka mid tahay Madaxtooyada oo ahayd Astaantii Qaranka, Waxaa ilaaliya Ciidanka AMISOM, taasna ma ahayn mid loo baahan yahay afar sano kaddib inay sii jirto,” ayuu Jabriil Cabdulle ku yiri wareysiga.

SomaliSwiss      Sidney

SomaliSwiss@hotmai.com

Advertisements
%d bloggers like this: