Advertisements

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo maanta ka qeyb-galay Janaasada Askar ku shahiidday qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Janaasad.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeyb-galay salaadii Janaasada askar ka tirsan ciimadda qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ku shahiiday qaraxii shalay.

JanaasadMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Allaah uga baryey inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay islamarkaana caafimaad deg deh ah siiyo dadka dhaawaca ah.

“Waxaan u tacsiyeynayaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ehelladdii qarabadii dadkii shacabka iyo ciidamadda isugu jiray ee ku shahiiday qaraxii cadawgu ka geystay Muqdisho , Allah ha u naxariisto inta dhimatay kuwa dhaawaca ahna Allah ha caafiyo. Cadowga ummadda dhibaatadda la daba taagan ee sida naxariis daradda ah kula dhaqmaya, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waa idin ka guuleysan doonaa “ ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay daryeeleyso qoysaska ay ka tageen ciidamadda qaraxii shalay ku shahiiday iyaga oo difaacaya Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda islamarkaana ay bixineyso deymaha lagu leeyahay.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: