Advertisements

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Milkiilayaasha Hoteellada Muqdisho ugu baaqay inay amnigooda sugtaan haddii kale ay xiraan.

wasiirka amnigaWasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda federaalka ee Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlayay amaanka Hotelada Magaalada Muqdisho ayaa sheegay, in hadii Maamulka Hotelka aysan xaqiijin karin ammaanka dadka isugu imaanaayo Hotelkooda, in aanan loo baahneyn inuu sii furnaado Hotelkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay masuuliyada amniga Hotelada inay saaran tahay dadka Milkiilayaasha, oo looga baahan yahay inay sameystaan ciidamo gaar ah oo amniga Hoteladooda xaqiijiya.

Waxa uu sheegay dhibaatada amni ee ka dhacda Hotelada Muqdisho kaliya inaanan dusha loo saari karin Hay’adaha ammaanka Dowladda, balse qayb ka mid ah dhaliisha ay leeyihiin masuuliyiinta Hotelada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in masuuliyada saaran wasaarada amniga ay tahay keenista siyaasada suggida ammaanka, waxaana uu sheegay in Hotelada ay u geeyeen qorshooyin amnigooda ay ku sugi karaan.

Wasiirka ayaa Hadalkiisan waxa uu la xiriiraa kadib markii shalay qarax Ismiidaamin ah lagu qaaday Hotelka SYL oo ay leedahay dowladda, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad gaarya ilaa 30 qof iyadoo Dhaawucuna uu afartan qof kor u dhaafayo.

 SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: