Advertisements

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir oo shaaca ka qaaday in la soo qabtay Ciidan Rasaaseeyey dad Shacab ah….

Taliyaha B.BanaadirTaliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Kornel Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay qabteen gaari uu lahaa mas’uul ka tirsan dowladda iyo ilaaladii saarneed gaariga, kuwaas oo xabadeeyay dad shacab ah oo marayay wadada hormarta dekeda magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in rasaasta ay fureen ilaaladaan ay ku dhaawacmeen dad shacab ah.

“Booliska ayaa ku guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan ilaalada iyo gaariga ay wateen haatana waxaa socda baaritaano ku aadan sababta ka danbaysay inay rasaaseeyaan dad shacab ah,” ayuu yiri taliyaha.

 SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: