Advertisements

Magaalada Nairobi oo maanta ka furmay Shir madaxeedkii dalalka Afrika iyo dowladda Japan.

Jappan Africa.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheakh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shirka ka qeyb galaya, ikaas oo lagu soo warramayaa inuu ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Jappan AfricaShir madaxeed maanta ka furmay Magaalada Nairobi ayaa u dhexeeya dalalka Afrika iyo dowladda Japan kaasoo loo yaqaano TICAD, waxaana lagu qaadaa-dhigayaa arrimo la xiriira dhaqaalaha wadamada Afrika iyo Japan.

Dowladda Japan ayaa shirkii ugu horeeyay ee TICAD waxay ku qabatey magaalada Tokyo, sannadkii 1993-kii, waxaana ujeeddadiisu ay ahayd kobcinta horumarka Afrika, nabadda iyo amniga, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.

Soomaaliya ayaa horey uga qeybgashey shirkii TICAD ee 2013-kii, waxaana sannadkan la filayaa in Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeeshaan madaxda Japan iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ka socda.

Jappan Africa.jpg3Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay is weydaarsadaan dalalka Afrika iyo Japan.

Dalka Japan ayaa ka mid ah dalalka iskaashiga dhow la leh qaaradda Afrika, waxaana uu dhowaanahan xoojiyey xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya qaaradda.

SomaliSwiss        Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: