Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Kenya.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heersare ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan KenyaDowladda Japan ayaa shirkii ugu horeeyay ee TICAD waxay ku qabatey magaalada Tokyo, sannadkii 1993-kii, waxaana ujeedka shirkan uu ahaa kobcinta horumarka qaaradda Afrika, nabadda iyo amniga, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka labada dhinac.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhamaan madaxda qaaradda Afrika iyo Dowladda dalka Japan, waxaana labada maalmood ee uu soconayo shirkani diiradda lagu saari doonaa maalgashiga qaaradda Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Kenya.jpg1Dalka Soomaaliya ayaa horey uga qeybgalay shirkii TICAD ee 2013-kii, waxaana sannadkan la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeeshaan madaxda Japan iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ka socda.

Waa markii ugu horeysay ee shirkan lagu qabto qaaradda Afrika, iyadoo shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay magaalada Tokyo oo lagu heshiiyey in shir madaxeedka TICAD martigelintiisa ay is weydaarsadaan dalalka Afrika iyo Japan.

SomaliSwiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: