Advertisements

Guddiga Federaalka ah ee Hir-gelinta Doorashooyinka Dadban oo wacyi-gelin ku saabsan habka lagu soo xulayo xildhibaannada u qabtay madax-dhaqameedyada.

Guddiga Doorashooyinka.pngWaxaa shir jaraa’id shalay Muqdisho ku qabtay guddiga Federaalka ah ee Hir-gelinta Doorashooyinka Dadban ee Sannadkan 2016-ka (GFHDD), kaasoo ay ug hadleen qorshaha doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo bilaha nagu soo wajahan.

Guddiga Doorashada.jpg2Guddomiyaha GFHDD, Avv. Cumar Maxamed C/lle [Dhageey], ayaa sheegay inay shirka jaraa’id ay u qabteen sidii bulshada Soomaaliyeed ay ula socod siin laahayeen halka uu marayo qorshe-howleedka doorashada 2016-ka.

Sidoo kale, Guddoomiye Dhagey ayaa sheegay inay Guddiga u suuro-gashay inay u qabsooman hawlo badan tan iyo markii ay si rasmi ah u gud-agaleen hawshii loo ig-maday, qorshahooduna uu ku socdo sidii loogu talo-galay.

Guddiga Doorashada.jpg1Guddomiyaha ayaa intaas ku daray in bishan lagu jiro ee Ogoosto 15-keeda illaa 17-keeda, ay Muqdisho kusoo gaba-gabeyeen kulan Xog-wadaag ah oo socday muddo saddex casho ah, kaasoo u dhexeeyay GFHDD iyo Guddiga maamul-gobaleedyada doorashada dadban (GDGDD), kuwaasoo ka kala socday Somaliland, Puntland, Jubbaland, Koofur-galbeed, Galmudug iyo Hiraan/Shabeellaha Dhexe.

Ugu dambeyn, Cumar Dhagey ayaa sheegay in Guddigu billaabay in madax-dhaqameedyada uu u qabto wacyi-gelin ku saabsan habka lagu soo xulayo xildhibaannada. Wuxuuna xusay in ergada soo xulayaan madaxda dhaqanka iyagoo kala tashanaayo odayada jufooyinka.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: