Advertisements

Warbixintii uga danbeysay ee Dhulgariir ka dhacay shalay dalka Talyaaniga.

dhulgiriir Italy.jpg1Dhulgariir wayn ayaa ka dhacay shalay dalka Talyaaniga kaas oo ay ku dhinteen inta ilaa iyo iminka la ogyahay 247 ruux, halka dhaawuxuna uu marayo 368, sida uu sheegay ra’iisalwasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi.

dhulgiriir Italy.jpg2Dhulgariirka ayaa cabirkiisu lagu sheegay 6.2., waxaana meesha uu dhulgariirka ka dhacay u dhawdahay magaalada Norcia.

Dhismayaal badan oo qadiimi ah ayaa dumay meelo badan, iyadoona dad badan wali la la’ yahay. Duqa magaalada Amatrice ayaa sheegay in cod laga maqlayo guryaha burburay qaarkood, dadkana loogu gurmanayo hal hal.

Gobolada Umbria, Lazio iyo Marche ayaa caan ku ah dalxiiska, waxaana jooga meesha dalxiisayaal badan waqtiga dalxiiska.

dhulgiriir ItalySomaliSwiss      Roma

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: