Advertisements

Meydkii marxuum Jen. Maxamed Cali Samatar oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Meydka SamantarMarxuum Maxamed Cali Samatar oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, xilal kala duwana ka soo qabtay dowladdii milatariga Soomaaliya ee uu hogaaminayay sareeyo gaas Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay dhismaha wasaaradda difaaca Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. DAAWO SAWIRRO KALE:

Meydka Samantar.jpg3Aaska janaraalka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh Cismaan Jawaari, R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, qaar kamid ah madaxweyneyaasha dowlad gobaleedyada ka dhisan dalka, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil ciidan iyo dadweyne Soomaaliyeed.

Meydka Samantar.jpg2Meydka marxuumka ayaa isla maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, waxaana uu marxuumku ku geeriyooday maalmo ka hor dalka Mareykanka.

Ka hor inta aan la aasin Janaraalka ayaa madaxda iyo dadweynaha ay salaad Janaaso ah kula tukadeen xarunta wasaaradda gaashaandhigga, halkaas oo marxuumka loogu duceeyay.

Meydka Samantar.jpg4Meydka Samantar.jpg1SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: