Advertisements

Madaxweynaha Kenya oo sheegay in dowladaha Bariga Afrika ay bilaabi doona in ay ciidankooda kala baxaan Soomaaliya sanadka 2018ka…

Uhuru Kenyatta 3Dowladda Kenya iyo dowladaha kale ee bariga Afrika ayaa bilaabi doona in ay ciidankooda kala baxaan Soomaaliya sanadka 2018 maadaama xaaladda amni ee Soomaaliya ay soo hagaagtay, sidaa waxaa xoghayaha arimaha dibadda  dalka Mareykanka u sheegay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta .

War qoraal ah oo laga soo saaray xarunta madaxtooyada dalka Kenya ayaa madaxweyne Kenyatta waxaa uu ku sheegay in Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Afrika ayaa waxaa ay horumar balaaran ka sameeyay dagaalka ay kula jiraan kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab, isla markaana loo baahan yahay in si tartiib tartiib ah ay loo bilaabo soo afjarida howlgalka AMISOM lana xoojiyo dhismaha hey’adaha dowliga ah gaar ahaan ciidamada qaranka Soomaaliya.

Howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa uu ka kooban yahay wadamada Burundi, Uganda, Kenya, Ethiopia, iyo kuwo kale oo gudaha dalka kula dagaalamaya kooxda Al-shabaab kuwaas oo doonaya in ay wadanka ku qabsadaan qori aaradii ayagoo magac diin isticmaalaya isla markaana baabi’inaya dadka Soomaaliyeed.

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa shalay magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha dalka Kenya iyo wasiirada arimaha dalalka bariga Afrika isagoo kala hadlay xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta koofureed.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya mudane C/salaam Hadliye Cumar oo la kulmay dhigiisa dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in arimaha ugu waa weynaa oo ay ka wada hadleen ay kamid aheyd xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo arimaha doorashooyinka ee Soomaaliya lagu wado in ay ka qabsoonto bisha soo socota ee October.

Mudane C/salaam Hadliye Cumar  wasiirka arimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in John Kerry uu madaxda Soomaalida ku booriyay in ay waqtigii loo qabtay doorashada aysan ka dib dhicin.

SomaliSwiss        Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: