Advertisements

Qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo la sheegay inay ku dhinteen Tirada gaartay 32 qofood.

Qarax Gaalkacayo.jpg2Waxaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo Qaraxy aad u weyn waxaana la sheegay inay ku dhinteen 32 qofood oo rayid u badnaa, tiro intaa ka badana wey ku dhaawacmeen, sida lagu soo warramay in  qaraxaas ay dhaceen oo barqanimadii ay ahaayeen laba qarax oo is xigxiga waxayna ka dhaceen dhanka waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Qarax Gaalkacayo.jpg1Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi ayaa loola cararay Isbitaalada magaalada Gaalkacyo kuwaasoo ay ku jiraan kuwo xaaladooda ay aad u liidato.

Goobta qaraxyadu ka dhaceen oo ah suuqa loo yaqaano xero Dayax ayaa la sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ay wax yar ka hor  ka baxeen halkaasi, waxaana daqiiqado ka dib halkaasi ka dhacay laba qarax oo loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Mas’uuliyiinta maamulka Puntland weli kama aysan hadlin qaraxyadaasi iyo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Qarax GaalkacayoMaleeshiyaadka Shabaab ee looga bartay iney si xaq darro ah ku daadiyaan dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee muslimiinta ah ayaa sheegtay mas’uuliyadda weeraradaasi bahalnimada ah.

SomaliSwiss     Gaalkacayo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: